Daawo Sawirada:- Waayeelada Dalka Ciraaq oo Hubka qaatay diyaarna u ah in ay Dagaal galaan

Daawo Sawirada:- Waayeelada Dalka Ciraaq oo Hubka qaatay diyaarna u ah in ay Dagaal galaan

daajis.com:-Dalka Ciraaq ayaa mar kale galay xaalad Dagaal iyo is abaabul kadib markii xoogag Islaamiyiin Sunni ah oo aad u hubeesan ay qabsadeen Magaalooyin iyo deegaano badan oo gacanta ugu jiray Dowlada Ciraaq.

Xoogaga Islaamiyiinta ah ayaa mudooyinkii dambe waday dhul balaarsi iyo in ay dagaal ku qaadaan Magaalooyin hor leh ay dagan yihiin dadka Shiicada Ciraaq iyo sidoo kale dadka Kurdiyiinta ah ee kunool Dalkaasi.

Dad u badan dhalinyaro iyo waayeelo ayaa ku qasbanaaday in ay hubka qaataan si ay isaga difaacaan Kooxda Daacish oo weerar ku ah deegaanadooda , waxaana Warbaahinta caalamka soo bandhigeen Odayaal Kurdish ah oo hubka qaatay si ay ula dagaalamaan kooxda Daacish.

Xoogaga is maamulka Kurdiyiinta ah ayaa la sheegay in ay dib u qabsadeen Magaalooyin horey gacantooda uga baxay kadib markii Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn la beegsadeen goobo ay dhawaan la wareegeen Kooxda Daacish.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada