Xog Hoose:- ku aadan Qaabkii uu xalay Cabdi Nuure Siyaad uga baxsaday Ciidanka Nabad Sugida Qaranka

Xog Hoose:- ku aadan Qaabkii uu xalay Cabdi Nuure Siyaad uga baxsaday Ciidanka Nabad Sugida Qaranka

daajis.com:-Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ku fashilmay qorshe ay doonayeen in ay ku qabtaan Cabdi Nuure Siyaad oo kamid ah Siyaasiyiinta kusugan Magaalada Muqdisho.

Xogo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad kahor inta aysan soo weerarin Ciidamada Nabad Sugida in uu kusugnaa Hoteelka Jaziira halkaana uu shaah kula cabay Xubno Siyaasiyiin ah iyo Saraakiil katirsan Dowlada.

Hotelka Jaziira waxaa sidoo kale kusugnaa sida aan Warar ku helnay Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida qaranka kuwaa oo la tuhmayo in iyagu ay wax badan ka ogaayeen Qorshaha la doonayay in lagu qabto Cabdi Nuure

Ciidamo gaar ah oo katisan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa la sheegay in banaanka Hotelka ay kusugayeen Cabdi Nuure ay xog ka hayeen in uu ku jiro Hotelka , waxa ayna Ciidamada markii uu soo baxay Siyaasigan durba gacanta ku dhigay Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida oo markii dambe la dilay.

Goob jooge kusugnaa Hotelka Jaziira ayaa noo xaqiijiyay in Cabdi Nuure iyo Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida ay gacanta iskula tageen , waxaana xiligaa kadib Rasaas soo riday ciidamo ilaalo u ahaa Cabdi Nuure oo kusugnaa meel aan ka fogeyn Hotelka Jaziira.

Xaalada ayaa mar qura is badashay waxaana halkaasi ka bilowday Rasaas Culus ay is dhaafsadeen Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalo yar uu watay Cabdi Nuure , waxaana la sheegay markii ay Rasaastu bilaabatay in Siyaasigan ay u suurto gashay in goobta uu ka baxsado.

Ciidamada Nabad Sughida oo tuhmay in Siyaasigan ka baxsaday uu galay Guriga Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare ayaa durba rasaas ku bilaabay Guriga Xildhibaanka , waxaan halkaasi ka dhacay Dagaal dhax maray ilaalada Guriga Xildhibaanka iyo Ciidamadii Nabad Sugida.

Cabdi Nuure Siyaad oo xalay ka bad baaday qorshe ay doonayeen Ciidanka Nabad Sugida in ay ku qabtaan ayaan ilaa hada la ogeyn halka uu ku dambeeyo , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Siyaasigan dowladu dooneysay in ay xirto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada