Topnews:- Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kusugnaa Hotelka Jaziira oo xalay Xaalad Qal qal iyo Cabsi badan la kulmay

Topnews:- Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kusugnaa Hotelka Jaziira oo xalay Xaalad Qal qal iyo Cabsi badan la kulmay

daajis.com:-Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Siyaasiyiin caan ah ayaa la sheegay in xalay qal qal iyo cabsi badan dareemeen kadib markii dagaal aysan fileyn uu ka qarxay agagaarka Hoteelkaasi oo kuyaala meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,

Mid kamid ah Dadkii kusugnaa Hoteelka ayaa noo xaqiijiyay in xaalka mar qura uu is badalay kadib markii rasaas culus ay ka dhacday banaanka Hotelka , waxaana Mauuliyiintii iyo dadkii kale ee Hotelka kusugnaa u qaateen in Al-Shabaab soo weerareen Hotelka.

Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kusugnaa Hotelka ayaa mar qura bilaabay in ay kala cararaan ayna raadsadaan gabaad iyaga oo u maleeyay rasaasta dhaceysay in uu yahay mid Hotelka lagu soo qaaday ayna ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Xili uu xaalka xun yahay ayna bilaabeen dadkii Hotelka kusugnaa kala carar iyo dhuumasho ayaa maamulka Hotelka waxa uu ku wargaliyay dadkii Hotelka kusugnaa in ay isdajiyaan xaalkana uusan aheyn sidii la moodayay.

Xaalada Hotelka ayaa markii dambe caadi kusoo noqday waxaana dib isku warsaday Siyaasiyiintii iyo Masuuliyiintii kale ee katirsanaa Dowlada ee kala cararay markii uu bilowday Dagaalka ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Jaziira.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada