Dowladda Soomaaliya oo u hambalyeesay Recep Tayyip Erdogan.

Dowladda Soomaaliya oo u hambalyeesay Recep Tayyip Erdogan.

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa si wada jir ah ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee dalka Turkiga Ra’iisul wasaaraha xilka ka sii degaya ee Recep Tayyip Erdogan. 


“Waxaan hambalyeeynayaa Ra’iisul wasaaraha Turkiga ee jagada sii baneynaya Recep Tayyip Erdogan doorashada loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, tani waa mid doorasho taariikhi ah, waan garaneynaa muhiimadda ay codeyntan u leedahay siyaasadda, Shacabka Turkiga iyo tan saaxiibadeen”,ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Turkiga waxa uu Soomaaliya ka taageerayay dhanka beni’aadanimada, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarka iyo adeegyo kale, sanadihii la soo dhaafay waxa uu Soomaaliya la lahaa xiriir aad u wanaagsan oo aan uga mahadnoqeyno taageeradaasi, waxaan rajeyneynaa in xiriirkeena saaxiibtinimo iyo wadashaqeynta labo geesoodka ah uu sii hagaagayo”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadayaan wada shaqeynta ka dhaxeeyso Soomaaliya iyo Turkiga,wuxuuna si gaar ah u xusay inay la shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub ee dalkaasi RecepTayyip Ordogan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada