Daawo Sawirada:- Xaflad lagu taageerayay guusha Madaxweynaha cusub ee Turkiga Erdogan oo Muqdisho ka dhacday

Daawo Sawirada:- Xaflad lagu taageerayay guusha Madaxweynaha cusub ee Turkiga Erdogan oo Muqdisho ka dhacday

daajis.com:-Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia ayaa ka qeybgashay xaflad ballaaran oo lagu taageerayay guusha Madaxweynaha cusub ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ka gaaray doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Xafladdan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha dibada, Wasiirka Wasaarada Haweenka, Xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana heeso iyo guubaabo lagu taageerayay Turkiga kasoo jeediyay xafladda Fannaaniinta Hobolada Qaranka.

Xubnaha ka hadlay xafladan oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Dalxa oo ah Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibada Baarlamaanka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan iloobi doonin taagerada dowladda Turkiga ay u fidisay Ummadda Soomaaliyeed.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya oo muanasabada ka hadashay ayaa Madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ugu hambalyeysay guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee ka dhacday dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ugu dambeyntii munaasabadda ka hadlay ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeraan dowladda, taasi oo looga gudbi karo dhibaatooyinka ka jira dalka, isagoo ka mahadceliyay taageerada Turkiga u siinayo shacabka iyo dowladda. 










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada