Maamulka KMG ah ee Jubba oo qabanaya shirweynaha dib u heshiisiin ah

Maamulka KMG ah ee Jubba oo qabanaya shirweynaha dib u heshiisiin ah

daajis.com:-Cabdi Baaley Xuseen oo ah Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado dadaallo leysugu keenayo beelaha wada dega Jubbooyinka si looga shaqeeyo nabadda iyo horumarka deegaanada Maamulka Jubba.

Cabdi Baaley oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in bisha soo socota ee September ay qaban doonaan shirweynaha dib u heshiisiineed oo ay ka qeyb galayaan dhamaan beelaha wada dega Jubbooyinka, si looga tanaasulo dagaalladii hore u dhacay, loogana shaqeeyo nabadda.

Wuxuu tilmaamay inay tagi doonaan dhammaan deegannada gobollada Jubbooyinka ayna la kulmi doonan dadka deegaanka si leysku cafiyo, nabadda iyo horumakana looga wada shaqeeyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta maamulka KMG ah ee Jubba Cabdi Baaley Xuseen ayaa sheegay in siminaar loogu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya isaga iyo qaar kale oo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba ay ka faa’ideen isu-tanaasulka, sidii looga fogaan lahaa musuq maasuqa, iyo xoojinta dib u heshiisiinta dadka deegaanka.


Siminaarka wuxuu ku saabsanaa dowlad wanaagga iyo dib u heshiisiinta, waxaana soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada