Daawo Sawirrada:- Gudoomiye Muungaab oo ka qeybgalay munaasabad la isugu wareejinayay Hanti maguurto ah

Daawo Sawirrada:- Gudoomiye Muungaab oo ka qeybgalay munaasabad la isugu wareejinayay Hanti maguurto ah

daajis.com:-Maamulka gobolka Banaadir ayaa muqdisho ka hirgaliyay in la is cafiyo dibna la isugu celiyo hantida maguurtada ah ee la kala heysto, iyadoo dhawaan Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu dhawaan ka qeyb galay dhul si sharci daro loo heystay oo lagu wareejinayo ninkii lahaa oo ku yaala Degmada Yaaqshiid.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo halka dhulkaasi loogu wareejinayay milkiilaha ka hadlay ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali karin in si xoog ah lagu heysto dhul uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in tilaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan dadka ku qaraabta decumentiyada been abuurka ah, waxaana hey’adaha garsoorka uu ugu baaqay in si cadaalad ah ay u kala saaraan dadka dacwadaha dhulka isku heysta.
Ninka mudada deganaa gurigaasi la wareejiyay ayaa ka codsaday milkiilaha guriga oo ku yaala degmada Yaaqshiid in uu cafiyo mudada uu daganaa, waxaana uu tilmaamay in markii hore lagu qiyaamay decument been abuur ah uuna ku qanacsan yahay in uu wareejiyo gurigan.
ugu dambeyntii milkiilaha oo hadlay ayaa isna kaga mahadceliyay maamulka Degmada Yaaqshiid, kan gobolka, iyo guud ahaan Dowladda Dhexe sida ay ugu soo celiyeen dhulkiisa.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada