Dagaal Culus:- oo ka dhacay Degmada Buulo Burde iyo Meydad badan oo saakay lagu arkay Degmadaasi

Dagaal Culus:- oo ka dhacay Degmada Buulo Burde iyo Meydad badan oo saakay lagu arkay Degmadaasi

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay Saqdii Dhaxe dagaal culus oo u dhaxeeyay Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM uu halkaasi ka dhacay.

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa xalay dhoor Jiho waxa ay ka weerareen Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan Saldhigyo Ciidamada AMISOM ee Jabuuti kasocda iyo kuwa AMISOM ka joogeen Degmadaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Dagaalka xalay ka dhacay Degmada Buulo Burde uu ahaa mid aad u cuslaa oo labada dhinac ay isku dhaafsadeen hubka cul culus , waxaana Dagaalka la sheegay in qasaaro aad u xoogan uu ka dhashay.

Degmada Buulo Burde gaar ahaan aagagii dagaalku ka dhaceen ayaa saakay waxaa lagu arkay Meydad badan oo labada dhinac ee dagaalamay , waxaana lasoo sheegayaa in meydadka ragii Al-Shabaab ka dhintay wali yaalaan Degmada Bulo Burde.

Al-Shabaab ayaa dhoor mar sidan oo kale waxa ay weeraro culus ugu qaadeen Saldhigyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan oo kamid ahaa Degmooyinkii ugu dambeeyay ee la Wareegeen Ciidamada Dowlada iyo AMISOM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada