AQRISO:- Afar qorshe oo ku wajahan sida uu Mustaqbalka noqon doono gobolka Hiiraan !!

AQRISO:- Afar qorshe oo ku wajahan sida uu Mustaqbalka noqon doono gobolka Hiiraan !!

daajis.com:-Sida aaN la socoNo, waxa uu gobolka Hiiraan dawladdii kacaankii 21kii Oktoobar, 1969kii ka hor, ka mid ahaa siddeeddii gobol ee dalku lahaan jiray, gobolladaas oo kala ahaa: (1) Banaadir, (2) Hiiraan, (3) Jubbada Hoose, (4) Jubbada Sare, (5) Bari (6) Mudug, (7) Togdheer, iyo (8) Waqooyi Galbeed.

Marka laga reebo Hiiraan, waxa dawladdii kacaanku gobolladii kale ee toddobada ahaa u qaybisey toban iyo toddoba gobol oo kala noqday: (1) Awdal, (2) Bakool, (3) Banaadir, (4) Bari, (5) Bay, (6) Galgaduud, (7) Gedo, (8) Jubbada Dhexe, (9) Jubbada Hoose, (10) Mudug, (11) Nugaal, (12) Sanaag, (13) Shabeellada Dhexe (14) Shabeellada Hoose, (15) Sool, (16) Togdheer, (17) Waqooyi galbeed.

Waxa dawladdii kacaanka Hiiraan saartay cunaqabatayn, mana laga qaadin weli. Si kastaba ha ahaate, waxan hubaa in haddii reer Hiiraan u Istaagaan raadsashada xaqooda in aan cid ka hor istaageysaa jirin, dawladda dhexe ee federaalkuna taageeri doonto doonitaanka qadyaddaas.

Hiiraan waa gobol baaxad weyn, xuduudna la leh 5 gobol oo Soomaaliyeed (Bakool, Bay, Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe, Galgaduud), iyo Killinka Shanaad ee Ethiopia.

Waxa gobolku hodan ku yahay wax soo saarka xoolaha iyo beeraha, waana gobolka keli ah ee webi shabeelle ka maro dhul gaaraya 400 oo km, waaxana webiga hareerihiisa ka baxo kheyraadka dhulka oo laga quuto dhammaan gobollada dalka ee waqooyi ka xiga Hiiraan, iyo Ethiopia. 

Si kastaba ha ahaatee, waxa miiska saaran afar qorshe oo ku wajahan sida uu mustaqbalka gobolka Hiiraan noqon doono, waxayna qorsheyaashaasi u kala muhiimsan yihiin sida ay u kala horreeyaan:

(1) Hiiraan oo loo qaybiyo labo gobol, keddibna loo aqoonsado maamul goboleed (Plan A); (2) Hiiraan oo loo daayo sidiisa, toosna ugu xirnaado dawladda dhexe (Plan B); (3) Hiiraan oo marka hore loo qaybiyo laba gobol, haddii laga maarmi waayana Sh/Dhexe ku soo darsoonto (Plan C); ama (4) Hiiraan oo si aan hobboonayn toos loola mataaneeyo Sh/Dhexe (Plan D).

Dabcan, waxa afarta qorshe ugu wanaagsan kan koowaad (Plan A), uguna taageero badan, waxana ugu taageero yar qorshaha afaraad (Plan D), loona arko qorshe laga soo abbaabulay meelo ka baxsan Hiiraan, waxana la tuhunsan yahay in ay koox yar oo ka soo jeeddo Hiiraan ay riixayaan qodobka.


Ugu dambayntii, waxa reer Hiiraan dhiganayaan dhawaan gogol dib-u-shiineed, keddibna lagu dhisi doono maamul goboleed loo dhan yahay, Insha Allaahu. 


Axmed M. Warfa
Utah, USA


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada