Musharixiinta Isku Heystay Doorashada Afghanistan oo Heshiiyey.

Musharixiinta Isku Heystay Doorashada Afghanistan oo Heshiiyey.

daajis.com:-Musharixiinta jagada madaxtinimada ee Afghanistan ee iska soo horjeeda ayaa aqbaley inay soo afjaraan murankooda la xiriira natiijada doorashada, isla markaana ay bilaabaan inay ka wada shaqeeyaan dhismaha dowlad midnimo qaran.

Abdullah Abdullah iyo Ashraf Ghani ayaa muddo isku hayey dib u eegista socota ee codadka ilaa 8 milyan oo qof ay dhiibteen wareeggii labaad ee doorashada madaxtinimada, iyadoo qeyb yar uun ilaa haatan dib u eegis lagu sameeyey.
Kadib kulan maalintii labaad uu magaalada Kabul kula qaatey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry, ayaa labada musharax waxay saxiixeen heshiis ay ku sheegeen inay ka wada shaqeyn doonaa dhismaha dowlad wadaag ah marka la soo afjaro dib u tirinta iyo hubinta codadkii lagu muransanaa.

Mr Abdullah ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay talaabo kale oo horumar ah oo looga gol leeyahay xoojinta sharciga iyo in mustaqbal wanaagsan loo horseedo shacabka reer Afghanistan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada