Kooxda ISIS ee kadagaalanta dalalka Iraq iyo Syria ayaa baaq u soo dirtay Alshabaab (Muxuu yahay baaqaasi)?

Kooxda ISIS ee kadagaalanta dalalka Iraq iyo Syria ayaa baaq u soo dirtay Alshabaab (Muxuu yahay baaqaasi)?

daajis.com:-Abu al-Ayna al-Khorasani, oo katirsan Hogaamiyaasha kooxda ISIS ee kadagaalanta dalalka Iraq iyo Syria ayaa ugu baaqay kooxaha ISIS dhigooda ah iney kubiiraan waxa uu ugu magacdaray hor istaaga danaha mareykanka ee caalamka.

Hogaamiyahan ayaa yir waxaan ugu baaqayaa kooxda Al-shabab ee Somalia kadagaalanta iney kubiiraan in lahor istaago danaha mareykanka madama sida uu sheegay mareykanku duqeyn kawado dalka Iraq.
“Mareykanku wuxuu horaan kafuliyay duqeyn wadamada Somalia,Yemen Afghanistan,Pakistan hadana duqeyn ayuu kawadaa dalka Iraq,sidaa darted Mujaahidiinta waxaa looga baahanyahay iney bartilmaameed sadaan dowlada mareykanka danaheeda” ayuu yiri Abu al-Ayna al-Khorasani,oo katirsan kooxda Dacish ee dalka Iraq iyo Syria kadagaalanta.
Hadalka kooxaha Dacish kasoo baxay ayaa yimid kadib markii madaxweynaha mareykanka Brack Obama uu kudhawaaqay in Diyaaradaha mareykanka ay duqeyn xaga cirka ah kafulinayaan dalka Iraq goobaha ay kusuganyihiin kooxda Dacish.


Mareykanka ayaa laba duqeyn kafuliyay dalka Iraq iyadoo tani ay noqoneeso faragalin markalle mareykanku uu kusameeyay dalka kadib sanadkii 2011.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada