daajis.com:-illo wareed ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ayaa xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Kooxda Axmed Cabdi Godane uu Jeelka kasii daayay Sargaal sare oo ka tirsan Kooxda Alshabaab gaar ahaan garabka kasoo horjeeda Godane.
Sargaalka Jeelka laga saaray, ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi rabi Khadiib waxa ayna deysmadiisa imaaday kadib shuruudo lagula heshiiyay.
Cabdi rabi Khadiib ayaa waxa uu kamid ahaa Saraakiisha sida weyn kaga soo horjeestay Afkaarta Hogaanka Al-shababaab Axmed Cabdi Godane, waxa uuna dhowr Jeer Khudbado uu ka jeediyay Masjidyo ku yaalla Magaalada Baraawe ka sheegay in Godane uu faro ku haayo Diinta, islamarkaana bedel ku sameynaayo Awoodaha Shareecada Islaamka.

Shuruudaha ayaa waxa ay lid ku yihiin damaca Cabdi rabi Khadiib u saamaxaayo inuu kaga soo horjeesto Axmed Godane, waxaana la sheegayaa in Shuruuda ay dhamaaneyso haddii uu Khadiib ka baxo ballamaha, iyadoona ay Hoggaanka Godane ku fulin doonaan dil aan ganbasho laheyn, sida laga soo xigtay Sargaal Shabaabka ka tirsanaa.
Dhanka kale, Xabsiyada Magaalada Baraawe, ayaa waxaa buux dhaafiyay Saraakiil Cadaan iyo Somali ah oo iyagu kasoo hor jeestay Fakirka Hoggaamiyaha Alshabaab, waxaana la garaneynin sida uu ka yeeli doono.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:05 and have
, Published at