Sweden oo ka hadashay talaabada uu ruushka ku joojiyay cuntadii uu ka qaadan jiray sweden.

Sweden oo ka hadashay talaabada uu ruushka ku joojiyay cuntadii uu ka qaadan jiray sweden.

daajis.com:-Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen, Carl Bildt ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha Ruushka uu ku joojiyay cunnooyinka Ruushka ka soo dhoofsan jiray dalalka midowga Yurub  in go’aankaasi yahay mid wel wel xambaarsan. 

Waxaa uu in taasi ku sii daray in xaaladda ammaan ee u dhaxeysa midowga yurub iyo Ruushka  in ay tahay tii ugu khatarsaneed muddo 25 sano ah.

“Waxa aan arkeyno waa sii socoshada baro-bogaando aad u kacsan oo ka imaaneysa dhanka Ruushka, waxaan arkeynaa in Ruushka hub iyo saanado kale uu siinayo kooxaha taageersan ee ka dagaalamaya Ukrain. 
Tallaabooyinkaasi ayaan arkeynaa, waxaan arkeynaa militeri la soo dhoobayo xadka Ukrain” ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Sweden Carl Bildt.
Dhanka kale, dadka ku xeeldheer xiriirada caalamiga ayaa sheegaya in tallaabada Ruushka uu ku joojiyay cuntada uu ka dhoofsan jiray midowga yurub, in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin qiimo ahaan sweden.

Håkan Björklund, oo ka tirsan  shirkadaha ganacsada cuntooyinka  ayaa sheegay in intooda badan shirkadaha sweden ay u iib geyn doonaan cunnooyinkooda wadamo kale Ruushka bedelkiisa.
Cuntada ay sweden u iibgeyso Ruushka ayaa qiimo ahaan ku fadhiya ku dhowaad 670 milyan lacagta sweden sannadkii, taasi oo u dhiganta 1 boqolkiiba dhoofka dibedda ee cunnooyinka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada