DAAWO SAWIRRO:- Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo warbixinta uu ka bixiyay safarkiisa Washington

DAAWO SAWIRRO:- Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo warbixinta uu ka bixiyay safarkiisa Washington

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ee kala qeybgalay shirkii Washington ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana garoonka kaga hortegay guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno ka tirsan xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweyn kadib shir jaraa'id uu ku qabtay garoonka kaga warbixiyay waxyaabihii ay kasoo hoyiyeen shirkaasi, isagoo sheegay in shirkii hogaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxweynaha Mareykanka ee ka dhacay Washington ay ka soo baxeen go’aano aad u muhiimsan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in la xoojiyo xiriirka Afrika iyo Mareykanka, heshiisyo lagu horumarinayo dhanka tamarta, fursad siinta dhalinyarada Qaaradda Afrika iyo Arrimo kale.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in isaga iyo wafdiga la socday ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxdii shirka ka qeyb gashay iyo kuwa Maraykanka, waxaana uu Madaxweynaha tilmaamay in Dowladda Mareykanka ay gacan ka geysan doonto wax ka qabashada abaaraha laga soo sheegayo qaar ka mid ah gobolada Dalka.

Ugu dambeyntii Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in kulanka uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka uu ahaa mid looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in Jaaliyadda ay ka qeyb qaadato dib u dhiska iyo horumarka dalka, islamarkaana ay gacan ka geystaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

xasan-soo-laabasho-3
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa ay garoonka Aadan Cadde ku qaabileen Wafdi ka socday dowladda Denmark, oo uu hogaaminayay Wasiirka ganacsiga iyo horumarinta Mr Mogens Jensen.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo qorshaha ku saabsan shirka Hiigsiga cusub ee New Deal oo 19-ka bisha November lagu qaban doono magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.    xasan-soo-laabasho-4xasan-soo-laabasho-5xasan-soo-laabasho-6xasan-soo-laabasho-7xasan-soo-laabasho-8xasan-soo-laabasho-9
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada