DAAWO:- Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Ka hadlay Xiritaankii idaacadaha Shabelle iyo Sky-FM

DAAWO:- Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Ka hadlay Xiritaankii idaacadaha Shabelle iyo Sky-FM

daajis.com:-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Dr. Axmed Cali Daahir ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ku bogaadiyay hawl galkii shalay iyo kuwii ka horeeyayba oo ay maalmahan laamaha kala duwan ee amniga ka wadeen Magalaada Muqdisho isaga oo sheegay inay ahaayeen kuwa sharciga waafaqsan.

“waa hawl gallo muhiim u ah xaqiijinta sharciga iyo kala danbaynta. Si taa loo gaarana waxaa loo baahanyahay in hay’adaha amniga ay u hawl galaan sidii ay u sugi lahaayeen nabadgalyada anaguna ka garsoor ahaan aan u siin lahayn waajibaadki sharci ee na saaran.”
 
“ Runtii waa wax laga argagaxo in hub intaa la eg shakhsiyaad gacantoodu uu ku jiro. Haysashada hubka waa sharc darro waxaana kaliya oo hub haysan kara dawlada yo cidi ay ruqsad u siiso. Wixii kasoo hara waa sharci darro. Danbiyada lagu galo hubka waa kuwa ugu culus ee dalka ka dhaca. Sidaa daraadeed waa in hubka uu galaa gacanta dawlada oo kaliya. Barlamaankana waxaan ka dalbanaynaa inay fududeeyaan shuruucda la xiriirta uruurinta hubka gacanta shacabka iyo kooxaha ku jira”
 
Xeer ililaaiyaha guud ee qaranka ayaa soo hadal qaaday xiritaankii iyo xarigii shalay ay fuliyeen laamanaha amniga ee lagu xiray idaacadaha shabelle iyo Skyfm isaga oo sheegay inay dhib wayn ku hayeen amniga qaranka, eedeymo aan loom eel dayin iyo been ka sheegid hawlgalkii sugida amniga ay ku kaceen. Wuxuu intaa ku daray in Shabelle iyo Sky FM qaab qabiil iyo kooxaysi ku dhiirgalinayeen shacabka.


 
“talaabooyinka lagu xiray Shabelle iyo Sky waa talaabooyn wafaqsan sharciga, hay’adaha sharciga ayaana bixiyay amarkaas. Waxay ka qayb qaadanayeen kicinta shacabka, waxay xadgudub joogta ah iyo eedeyn been abuur ah ku hayeen madaxda qaranka. Waxay ka been sheegeyeen hawlgalkii ciidamada amaanku iyo kuwa Amisom ay samaynayeen ee ku saabsanaa sugida amniga oyo hub aruurinta. Waxay mar walba dadka ku dhiirgalinayeen inay hawlgalka u fahmaan qaab qabiil. Arintaana maha arin hay’ad warfaafineed ku dhaqanto.”
 
“waan ixtirmaamaynaa dhamaan warbaahinta laakiin waa inay ogaadaan in sharciga ku siinaya xuquuqda aad ku hadlayso in sidoo kale uu ku xakamaynaayo oo ay jirto waxyaabaha aan laguu ogalayn inaad faafiso. Shabelle iyo Sky waxay dhib wayn ku hayaan amniga qaranka maadaama qaab qabiil iyo qaab kooxaysi ah ay hadalladooda u dhigayeen. Amniga qaranka wax gorgortan ah ka gali mayno waana ku amaanaynaa haya’daha amniga talaabooyinka hub ka dhigista ah ee ay wadaan ”
 
“ waxaan mar kale ku celinayaa haday noqon lahayd jaraaid, telefishin, idaacad, ugaasyo, oday dhaqameed, xildhibaan iyo siyaasba inay ka qayb qaataan horumarinta iyo saraynta sharciga. Inay iska iloobaan qabiilka iyo kooxaysiga. Qof walbana wax uu gaysto waa kaydsantahay, waa qorantahay waana lagula xisaabtami doonaa.”
 
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada