Faysal Cali Waraabe oo cambaareeyay doorashada madaxweynaha Khaatumo State

Faysal Cali Waraabe oo cambaareeyay doorashada madaxweynaha Khaatumo State

daajis.com:-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucidi ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa wareysi uu siiyay idaacadda VOA ku cambaareeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Khaatumo State Prof. Cali Khaliif Galeyr ee dhawaan ka dhacday duleedka magaalada Laascaanod.

Mr. Waraabe ayaa sheegay in aysan marnaba oglolaan doonin in maamul laga dhex sameeyo deegaanada Somaliland, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay wadahadal la furaan cid alle iyo ciddii wax tabaneysa ee kasoo jeeda deegaanada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha cusub ee Khaatumo ayuu ku sheegay in mid ay ka muuxdo naceyb gaar ah, islamarkaana uu doonayo in uu ku abuuro bulshada uu ka dhashay.

Prof. Cali Khaliid oo isagu loo doortay madaxweynaha Khaatumo ayaa sheegay in maamulka ay dhisteen reer Khaatumo uu yahay mid iyagu kasoo goay islamarkaana ay aayohooda kaga tashanayaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada