DAAWO:- Madaxweynaha oo amar adag siiyay AMISOM iyo Taliyeyaasha Ciidamada+Sawirro

DAAWO:- Madaxweynaha oo amar adag siiyay AMISOM iyo Taliyeyaasha Ciidamada+Sawirro

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ku amray Kusimaha Madaxa Howlgalka Midowga Africa Lydia Wanyoto, Taliska ugu sareeya AMISOM iyo Taliyeyaasha ciidamada Xoogga in ay u dhaqaaqaan duulaan lagu qaado goobaha ay Al-Shabaab kaga sugan tahay gobolada dalka somalia.

Amarka Madaxweyne ee ayaa ka danbeeyay shir gelinkii danbe {16-08-14} uu shir guddoomiyay kana dhacay xarunta Madaxtooyada, waxaana shirkaasi kasoo qeybgalay Madaxda ugu sareysa AMISOM, Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM, Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia.

HALKAN GUJI VIDEO-GA AMARKA MADAXWEYNAHA

Madaxweynaha, ayaa wuxuu sidoo kale uu ku amray Kusimaha Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, haweeneyda lagu magacaabo  Lydia Wanyoto Mutende in loo diyaar garoobo hawlgalada lagu qabanaayo dhulka Shabaabka uu maamulo, lana dhameeyo wixii tasiilaad ah ee ciidamada AMISOM ku howlgeli lahaayeen.

Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxay maalmaha soo socdo ku dhaqaaqi doonaan deegaanada, uu ka arrimiyo Ururka Al Shabaab oo dhul ballaaran ka jooggo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Tallaabada loogu dhaqaaqaayo dhulka ay ka arrimiso Al Shabaab, ayaa waxaa daba socoto codsi lagu doonaayo in gargaar loogu fidiyo shacabka ku dhaqan deegaanadaasi iyo dhulka kale ee Shabaabku go'doomiyeen.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada