Daawo:- Barnaamij lagu soo qaatay Aabe Soomaali iyo hooyo Poland u dhalatay oo caruur badan

Daawo:- Barnaamij lagu soo qaatay Aabe Soomaali iyo hooyo Poland u dhalatay oo caruur badan

daajis.com:-Saxafiyadda Soomaaliyeed ee Hodan Naleyah ayaa barnaamijkeeda Intergration TV kusoo qaaday qoys ka kooban Aabe Soomaaliyeed iyo hooyo u dhalatay dalka Poland oo isku dhalay 6 caruur ah.

Barnaamijkaan oo inta badan ay saxafiyadda kaga hadasho arimaha Bulshada ayaa waxa ay diiradda ku saaratay isdhexgalka qowmiyadaha kale duwan iyo dhaqamadooda, iyadoona barnaamijka ay marti u noqdeen Aabe Soomaali ah oo qaba haweeney u dhalatay dalka Poland.


Labadan lamaane ee Soomaaliga iyo Poland ayaa barnaamijka kaga hadlay marxaladihi kale duwanaa ee noloshooda iyo dhibaatadi ay kasoo mareen guurkooda.


Waxa ay lamaanayaashaan xuseen in dhibaato adag ay kala kulmeen labada qoys ee ay kasoo kale jeedaan, xilligii ay isguursanayeen.


Hadaba daaqo Barnaamijkaan xiisaha leh, iyadoo hubaal ay tahay hadii aad daawato in qosolku kaa dhammaanayo.


HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada