Xildhibaannad Fowziyo Yuusuf Xaaji:- oo ka Hadashey in wada hadal lala galo Al-Shabab

Xildhibaannad Fowziyo Yuusuf Xaaji:- oo ka Hadashey in wada hadal lala galo Al-Shabab

daajis.com:-Xildhibaannad Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horrey u soo noqotay ra’iisal wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda looga baahan yahay in ay wadahadal la furto kooxda Al-Shabaab oo dagaal ba’an kula jirta.

Iyadoo ka qeybgaleysa barnaamijka Waxay Ila-tahay ee BBC-da ka baxa ayey sheegtay in dowladda looga baahan yahay in ay wadahadal la furto Al-Shabaab gaar ahaan kuwa doonaya in uu dalka xasillo, maadama ay yihiin Soomaali.

Waxay sheegtay Soomaalida in ay isku baahan yihiin dhammaan marka cid kasta loo baahan yahay in ay ka qeyb qaadato dhismaha qaranka burburay.
“Al-Shabaab waa dad Soomaali ah, kuwa raba in wadahadal lala galo waa in ay dowladda soo dhaweyso” ayey tiri wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya.

Dhinaca kale, marwo Fowziyo ayaa ka hadashay qareeno ay qabsatay kaddib markii kooxda cunaqabateynta hubka ee QM UN Monitoring ay soo saareyn warbixin hordhac ah oo ay ka muuqato iyada iyo qaar ka mid madaxda dowladda in ay lunsadeen hanti qaran.

Waxay sheegtay in warbixintaas ay been abuur tahay isla markaana lagu doonayo in lagu dhaawaco sharrafteyda iyo tan qaranka, waxaana ay xustay in ay qareeno qabsato oo dacwo ku soo roga kooxda UN Monitoring gaar ahaan kuwa Nairobi fadhiya.

Fowziyo Xaaji ayaa ku celceliyay in golaha ammaanka QM uusan wada xumayn iyadoona tiri waxay nooqaadeyn cirkaas balse dhallinyaro xun-xun ayaa ku jirta oo wax ka qora Kenya.

Waxay kaloo sheegtay in ay aad uga xuntahay warbixinta la soo saaray iyadoona tiri “Anniga wasiir khaariji ayaan ahay, oo lacagta dowladda la soo siiyo waxaa saxiixa, ra’iisal wasaaraha, bangiga dhexe iyo hanti-dhowraha guud ee qaranka”

Ugu dambeyn waxay hoosta ka xariiqday in wax yaabaha loo qaraay warbixinta ay tahay howsha ay qabatay iyo sidda ay horrumarka u gaartay. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada