DHAGEYSO:- Madaxweyne Xassan Sheekh Oo ka Jawaabay Go'aankii Puntland Xiriirka ugu jartay DF

DHAGEYSO:- Madaxweyne Xassan Sheekh Oo ka Jawaabay Go'aankii Puntland Xiriirka ugu jartay DF

daajis.com:-Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ka hadlo Go'aankii Dowladda Puntland ay xiriirka ugu jartay Dowladda Federaalka ka dib Heshiiskii Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay Hadalkii dhawaan Dowladda Puntland ay Xiriirka ugu jartay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ka dib markii 30-kii July Magaalada Muqdisho lagu kala saxiixday Heshiis Dhigayey in Maamul Midaysan Loo sameeyo Gobolada dhexe ee Soomaaliya Kaasi oo magaciisa laga dhigayo Mudug iyo Galgaduud.

Dowladda Puntland oo ka talisa inta badan Gobolka Mudug ayaa Heshiiskaasi u aqoonsatay mid lagu carqaladaynayo Jirintaanka Puntland, islamarkaasina lagu doonayo dhul ballaarsi, waxaana arrintaasi ay sababtay in ay Puntland ku dhawaaqday in ay jartay Xiriirkii Dowladda Federaalka ah kala dhexeeyay islamarkaasina Xubnaha Federaalka uga jira ay deg deg ugu yeertay muddo 15 maalmood gudahooda ah.


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Puntland ku ammaanay Soomaalinimo jacayl, waxaana uu codsaday in wax walba lagu dhameeyo qaab wada hadal ah, iyadoo meel la iska dhigayo in la kala tago, waxaana uu qiray in Puntland ay horseed ka ahayd Dowladnimada hadda lagu naaloonayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada