Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose oo Ka hadlay Xariga Cusmaan Sheekh Buraale.

Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose oo Ka hadlay Xariga Cusmaan Sheekh Buraale.

daajis.com:-Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa wuxuu ka hadlay xariga ka dhanka ah Cismaan Sheekh Cali Buraale, oo sheegtay in uu yahay Gudoomiyaha Degmada Qoryooley. Kaasoo shalay lagu xiray Degmadaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu marka hore sheegay inaanu ninkaan ahayn Gudoomiyaha Degmada Qoryooley, isla-markaana uu Gudoomiyuhu yahay Maxamed Xaaji Cismaan (Gaagaale), oo dadka qaarkii ay u garanayaan (Shig Shigoow).

Wuxuu kaloo sheegay in ninkaan uu sameystay Digreeto been abuur ah, oo uu markaasi isaga dhigaayo in uu yahay Gudoomiyaha Degmada Qoryooley, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in uu sameeyay isku day dil ah, iyadoo uu dhibaatana ku haayo qaar ka mid ah bulshada ku nool Degmadaasi Qoryooley.

C/qaadir Maxamed Nuur oo xilligaan ku sugan Degmada Qoryooley, ayaa dhinaca kale sheegay in Buraale ay isu heyb yihiin, dadna uu maanta isagu ugu xiggo, isla-markaana ay mid meesha ku jirto tahay in sharciga la dhowro.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Buraale ay horkeeni doonaan Maxkamad, isla-markaana uu mari doono wixii go’aan ah ee ay ka qaadato Maxkamada, sida uu hadalka u dhigay.

C/qaadir Siidii, ayaa ku goodiyay in uu tallaabo ka qaadi doono shakhsi kasta oo uu ku helo Digreeto been abuur ah. 

Sidii wuxuu hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada