Daawo Muuqaal :- Askar Maxaabiis ahaan loo qabtay oo lasoo bandhigay iyo Dadweyne laga cel celinayo

Daawo Muuqaal :- Askar Maxaabiis ahaan loo qabtay oo lasoo bandhigay iyo Dadweyne laga cel celinayo

daajis.com:-Kooxaha Falaagada ah ee dagaalka kula jirta Dowlada Ukraine ayaa soo bandhigtay Maxaabiis aad u tiro badan oo katirsanaa Ciidamada Dowlada Ukrine, Maxaabiistan ayaa lagu qabtay Dagaalada u dhaxeeya Dowlada Ukraine iyo Xoogaga Falaagada gooni u goosadka taageerada ka heleysa Dowlada Ruushka.

Dadweyne tiro badan ayaa isugu soo baxay Magaalada Donetsk ee Bariga Ukraine kuwaa oo daawanayay Ciidamada Maxaabiis ahaanta loo qabtay laguna soo banshigayay Wadooyinka waa weyn ee Magaaladaasi iyaga oo gacmaha ka xir xiran.

Falaagada Dagaalka kula jirta Dowlada Ukraine ayaa soo bandhigida maaabiistan gacantooda ku jira uga gon lahaa in ay ku xumeeyaan xukuumada Kiev oo u dabaaldageysay maalinta qaranimda dalkaasi.

Dad careesan oo tagaeero u ah Falaagada Ukrine ayaa laga cel celinayay Ciidamada Maxaabiis ahaanta loo hayay ee lasoo bandhigay , waxa ayna dadkan ku dhawaaqayeen ereyo lidi ku ah Ciidamada gacanta falaagada ku jira.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada