Maamulka P/land:- oo raali gelin ka bixineysa gefkii ay ka gashay Dowladda

Maamulka P/land:- oo raali gelin ka bixineysa gefkii ay ka gashay Dowladda

daajis.com:-Xog Hoose oo ayaa heshay shabakada daajis.com ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu ku qancay tallooyin iyo tusaallooyin ay Xildhibaanadii ka tegay Muqdisho ee kasoo jeeday Puntland, hor dhigeen Cabdiweli Gaas Madaxweynaha Puntland iyo xukuumaddiisa oo sheegay inay xiriirka u jareen Dowladda Dhexe Somalia.

Warku wuxuu sheegayaa in Xildhibaanadii ka tegay Muqdisho in ay Madaxweynaha Puntland u sheegeen in uu ku deg degay go´aanka uu xiriirka ugu jaray Dowladda Federaalka, waxay sidoo kale u sheegeen in ay habooneyd in inta aan lagu dhawaaqin go´aankaasi lasoo wargeliyo xildhibaanada.

Cabdiweli Gaas iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ayaa u sheegay Xildhibaanada in ay shaki badan ka qaadeen heshiiskii Villa Somalia ee maamul u sameynta gobolada dhexe, isla markaana ay moodayeen in Galmudug la hoos geynayo guud ahaan gobolka Mudug.

Xildhibaanada waxay u sheegeen Gaas iyo xubnahiisa in sida ay wax u maleeyeen si ka duwan ay tahay arinta, isla markaana gobolka Mudug uu noqon doono sida hadda u kala qeybsan yahay tusaale ahaan Koonfurta Mudug ilaa Galgaduud sidaasina lagu qanciyay.


Waxaa lagu heshiiyay in Puntland arrintan ay cudur daar ka bixin doonto, isla markaana shir uu ka dhici doono Garoowe, kaasoo lagu casuumay wafdi uu hoggaaminayo Ra´iisul Wasaaraha Somalia, kadibna laga hadli doono arrimahaasi iyo sababihii shakiga keenay.

Waxay Puntland iyo Xildhibaanadii ka tegay Muqdisho iyo wafdiga Ra´iisul Wasaaraha ay soo saari doonaan go´aan cad isla markaana Puntland ay ka cudur daaran doonto go´aankii deg dega ahaa ee ay qaadatay si looga raali geliyo bulshada Soomaaliyeed.

Lama oga xiliga uu Ra´iisul Wasaaraha ku beegan yahay Garoowe, hase ahaatee wey jirtaa qorshaha safarkaasi iyo shir weynahaasi ka dhici doona Garoowe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada