Madaxweynaha Kenya oo caalamka ku eedeeyay inay ku fiirsanayaan dhibaatada Al-Shabaab

Madaxweynaha Kenya oo caalamka ku eedeeyay inay ku fiirsanayaan dhibaatada Al-Shabaab

daajis.com:-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa ka dalbaday beesha caalamka taageero aan loo kala harin oo lagaga hortegayo halista ururka Al-Shabaab.


Mr. Uhuru Kenyata oo marti ku ahaa barnaamijka Quest Means Business ee ka baxxa television-ka CNN ayaa dalalka caalamka ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen taageerada Kenya ugu baahan tahay in laga gacan siiyo la dagaalanka iyo ciribtirka Al-Shabaab.

“Aduunku waxaan ugu baahanahay inuu wax dhab ah uu u keeno Qatarta Argagixisada Gobolka oo idil, qatarta Argagixisadu ma’ahan Kenya oo kaliya waa mid caalamka oo idil kusoo wajahan, Amaanka iyo xasiloonida waa muhiimada caalamka“ ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dhibaatada argagixisada aysan kali ku aheyn, isla markaana ciidamada Kenya Kenya ay lamid yihiin kuwa AMISOM balse waxa uu yiri ” waxaan jeclaan lahayn inaan aragno aduunka oo u taagan caawinaada Kenya”.

Uhurru Kenyatta ayaa Magaalada Washighton ee dalka Mareykanka kaga qeybgalaya Shirka madaxda Africa iyo Mareykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada