daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya ilaa dhoor iyo Toban Wasiir oo ka tirsanaa Maamulkii fashilmay ee Madoobe Nuunow in ay ku biireen Maamulka K/G Sedex Gobol oo ka kooban Baay, Bakool iyo Shabeelada hoose.
Wasiiradan is casilay ayaa sheegay in Madoobe Nuunow uu yahay nin kaligiisa iska socda oo aan ka warheynin xaalada hada jirta, waxa kaloo ay sheegeen in ay la shaqeynayaan Maamulka Sedexda Gobol.
Dhanka kale waxaan ilaa iyo hada aan hadlin Madoobe Nuunow, Waloow aysan aheyn markii ugu horeysay Xubno uu magacaabay ay ka goostaan.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan In Madoobe Nuunow uu ku xiran yahay Dagaal Ooge Barre Hiiraale iyo Mooryaano kale oo dagaal ka wada Gobolka Shabeelada hoose si ay ugu Gurmadaan Barre Hiiraale oo raba in uu Kismaayo xoog ku qabsado, isagoo kaashanayaa Mooryaan Goobaale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:38 and have

