daajis.com:-Haweeneyda ah sii hayaha xilka wakiilka midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Lydia Wanyoto iyo Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Sheik Sayid Ahmed Dahir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay sanada 2016 ka baxayaan dalka Soomaaliya.
Labadaan Mas’uul ayaa sheegay in markii la gaaray sanadkii ay awood yeelan doonto dowladda Soomaaliya ay si buuxda u hanan doonto dalka xurta ah ee Soomaaliya.
“Soomaaliya waxay ku socotaa wadada saxda ah, waana u mahadcelinaynaa Wadamada Gobolka gaar ahaan dalka Uganda oo door muhiim ah ka cayaaray xasilinta Soomaaliya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Sheik Sayid Ahmed Dahir.
Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya shegeen inaysan mushaar qaadan mudo lix bilood ah taasna ay caqabad ku noqon doonto howlihii nabadeynta ahaa ee ay ka wadeen gudaha dalka Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:34 and have
, Published at