Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay Ninkii dilay Wariye Timacade iyo Aabe Lix bil lagu xukumay

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay Ninkii dilay Wariye Timacade iyo Aabe Lix bil lagu xukumay

daajis.com:-Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa waxaa Isniintii 25 Augost, la horkeenay laba nin oo Shabaabnimo lagu helay, kuwaasoo siyaabooyin kala gedisan Magaalada Muqdisho ugu kala dilay Wariye Maxamed Maxamuud Timacade iyo Cawil Xasan Maxamuud

Labadaan nin oo lagu kala magacaabo Cali Bashiir Cismaan iyo C/laahi Shariif Cismaan, ayaa waxay qirteen in ay iyagu dileen Wariye Maxamed Maxamuud Timacade, oo ka tirsanaa Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho iyo Cawil Xasan Maxamuud, oo isna ka tirsanaa Hay'adda Nabad Suggida.

Sidoo kale waxaa la horkeenay maxkamadda Cusmaan Cali Maalin oo ah aabaha  dhalay gacan ku dhiigle shabaab ka tirsan oo shalay maxkamada ku xukuntay dil oo ay ku cadaatay ka mid noqoshada Al Shabaab iyo dil uu u geystay mid ka mid  ah ciidanka nabad galyada wadooyinka  waxayna maxkamadu ku xukuntay lix bilood oo xabsi ciidan ah.

Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida C/laahi Maxamed Muuse (Keyse), ayaa Saxaafada u akhriyay in labadaan nin ay qirteen, in ay ka tirsan yihiin Shabaabka, isla-markaana ay geysteen dilalka loo heysto.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegaaya in raggaan ay Racfaan ka qaadan karayaan xukunka lagu riday, muddo bil gudaheed, haddii kalana lagu fulin doono.

Keyse, ayaa ku goodiyay in ay Maxkamadu sii wadi doonto la xisaabtanka ka dhanka ah xubnaha ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonto.

Wariyaha, ayaa 27-kii bishii October ee sanadkii hore u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray, weerar abaabulan oo 22-kii October ka dhacay meel aan sidaasi uga fogayn hoygii uu ka degganaa Degmada Wadajir.

Timacade wuxuu ka tirsanaa Suxufiyiinta ka hawlgasha Telefishinka Universal, ee Xaruntiisu Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada