Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil iyo xabsi ku riday Eedeysanaal Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil iyo xabsi ku riday Eedeysanaal Shabaab

daajis.com:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, ayaa waxay xukun dil toogasho ah ku riday nin ka tirsan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, oo bishii Ramadaanka dil ka geystay Magaalada Muqdisho.

Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada, ayaa waxay u fariisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedka ilaa 5 nin oo loo heystay Shabaabnimo, loona heystay dil ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah raggaan uu ka maqnaa goobta Maxkamadaynta. 

Waxaana raggaan lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil bishii Ramadaan loo geystay Yuusuf Xasan Cadow (Yuusuf Taraafiko), oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka ee Ilaalada Wadooyinka.

Maxkamada, ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay Daahir Cismaan Cali (Daahir Dayax) iyo Azad Maxamuud Cali oo maqane ah, ka gadaal markii ay ku heshay in ay dileen Yuusuf Taraafiko.


Maxkamada, ayaa xabsi daa'in ku xukuntay Maxamed Mahdi Cali Ina Safiya Macalin Cabdulle, markii uu ku lug yeeshay dilkii Yuusuf Taraafiko, halka lix bilood oo xabsi ciidan ay ku xukuntay Cismaan Cali Maalin Ina Barqo Calasow.


Ugu dambeen Maxkamadu waxay wax dembi ah ku weyday Axmed C/raxmaan Maxamed Ina Faadumo Maxamuud, iyadoona cafis loo fidiyay lana sii daayay.


Xukunada ay riday Maxkamada, ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Cabdullaahi Maxamed Muuse (Keyse).
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada