SAWIRRO:- Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay xaalada abaaraha iyo amniga

SAWIRRO:- Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay xaalada abaaraha iyo amniga

daajis.com:-Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiislaha ahaa ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed, waxaana looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka.

Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay inay qaadanayso hoggaaminta dadaalka wax loogu qabanayo bulshada ay dhibaateeyeen abaaruhu, iyadoo shacabka Soomalaiyeed iyo beesha caalamkana ugu baaqday inay ka qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaataysan.

“ Dowladda Soomalaiyeed waxaa masuuliyad ka saaran tahay nolosha muwaadiniinteeda, waxaana xukuumaddu qaadanaysaa kaalinteeda kaga aaddan wax-u-qabadka dadka ku dhibaataysan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen. Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa dadka wax haysta ee Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka inay ka qayb-galaan gurmadka loo fidinayo dadka baahan. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.


Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ku aaddan ammaanka dalka ka dhegaystay Wasiirka Ammaanka Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, waxana Wasiirku sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed. Golaha ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomalaiyeed inay kor u qaadaan wada-shaqaynta hay’adaha ammaanka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo ammanaka dalka.

Ugu damayntii, shirka ayaa looga dooday Hindisa-sharciyadeedyada Saxaafadda iyo Xanaanada Xoolaha ee dalka iyo siyaasadda waxbarashada oo la filayo in Goluhu ku meelmariyo kulamada soo socda.   







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada