Sarkaal ka tirsan Nabad sugidda oo Qarax lagu dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan Nabad sugidda oo Qarax lagu dilay Muqdisho

daajis.com:-Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ayaa sheegaya in qarax lagu dilay taliye sare oo katirsanaa ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya.

Dad Goob Joogayaal ah oo ku sugan xaafada suuqa xooolaha ayaa sheegaya in la dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay Axmed Dhegajuun oo taliyihii Nabad sugidda degmada Huriwaa iyo laba askari oo ilaala u aheyd kadib markii qarax uu qabsaday gaari uu watay sida wararka ay sheegayaan.

Ciidamo aad u fara badan ayaa goobta soo garay,iyagoo halkaasi howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo ay ka sameeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dilka sarkaalkan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay dagaalyahanada Al-Shabaab,iyadoona ay isa soo tarayaan falalka lidiga ku ah amaanka oo mudooyinkii dambe ka dhacayay magaalada xamar.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada