Shir looga hadlayo Qaxootiga dalal Afrikaan oo ay Soomaliya ku jirto oo ka furmaya Itoobiya

Shir looga hadlayo Qaxootiga dalal Afrikaan oo ay Soomaliya ku jirto oo ka furmaya Itoobiya

daajis.com:-Shir looga hadlayo Qaxootiga aduunka ee ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xuuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Godax Bare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiri galinta Maalgashiga Cabdiraxman Ducaale Bayleh iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Axmed-Daahir Cabdikarin Nuur, waxaana shirkan soo qaban qaabisey Hay’ada Qaxootiga Aduunka (UNHCR).

Shirkaan oo maanta furmaya ayaa waxaa ka soo qayb galaya masuuliyiin ka socda dalala ay kamid yihiin Yeman,, Jabouti, Ehtiopia, Kenya iyo Ugandha, iyo Hay’ada kale oo caalami ah.iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan ee diirada lasaari doono ay ugu weyntahay sidii ay dowlada Soomaaliya ugu muujiso caalamka sida ay u go’an tahay in xal waara loo helo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamda dariska ah.

Shirkaan ayaa la filayaa in lagu bandhigayo fikrado qaarkood xal u noqon kara qaxootiga Soomaaliyeed eek u nool dalalka dariska.inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu isku dayi doono sidii caalamka looga dhaadhicin lahaa in dowladda Soomaaliya gacan laga siiyo sidii Qaxootigu dalkooda ugu soo noqon lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa siinaysa shirka muhiimad gaar ah, madaama Qaxooti Soomaaliyeed oo tiro badan ay ku sugan yihiin wadamada dariska ah, taas oo culays ku ah gobolka iyo dowlada Soomaaliya.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada