WAR-MURTIYEED:- Go'aamo laga soo saaray Shir wada tashi ah Oo Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay Garoowe uga socday Puntland iyo Xildhibaano Federaalka ah.

WAR-MURTIYEED:- Go'aamo laga soo saaray Shir wada tashi ah Oo Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay Garoowe uga socday Puntland iyo Xildhibaano Federaalka ah.

daajis.com:-Dowladda Puntland iyo Xildhibaanadii Puntland kasoo jeeday ee dhawaan soo ajiibay Baaqii Madaxweyne Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in Xubnaha Dowladda Federaalka uga jira Puntland ay muddo 15 cisho ah Garoowe ku soo xaroodaan ka dib markuu go'ay xiriirkii Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u dhexeeyay.

Hadaba Shir Labadii Maalmood ee ugu dambeeyay Magaalada Garoowe uga soconayey Xildhibaanada Federaalka ka tirsan ee Puntland u dhashay iyo Madaxda Dowladda Puntland ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan waxyaabihii la isku afgartay.

Waxaana uu u qornaa sidaan Hoose:-

War-murtiyeed kasoo baxay kulankii wada tashiga ahaa ee u dhexeeyay Xubno ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland Mudadii u dhexaysay 18-19-August 2014, Garoowe.

Kulan wada tashi ah oo ay yeesheen Xubno ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland kaasoo looga hadleyay Xiriir Joojinta soo noq noqotay iyo sababihii keenay, dood iyo falaanqayn dheer ka dib waxaa la isku raacay sidaan soo socota.

1. Dowladda Puntland iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay isla garteen in tabashooyinka iyo eedaymaha Dowladda Puntland ka tirsanayso Federaalka ay yihiin kuwo jira oo leh Caddaymo dhab ah.

2.Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka codsadeen Dowladda Puntland in ay bixiso fursad wada hadal muddo 30 beri gudahood ah, laga bilaabo 20/08/2014, dowladda Puntland Codsigaasi way oggolaatay waxaase sharci ah in wada hadalkaasi ay goob joog ka noqdaan beesha caalamku, maadaama heshiisyadii iyo wada hadalladii hore aaney waxba ka hirgalin.

3. Haddii fursadda wada hadallaasi lagu guul daraysto,waxna laga qaban waayo eedaymaha Puntland u soo jeedisay Dowladda Federaalka ah, Dowladda Puntland waxay qaadanaysaa tallaabadii kale ee ku habboon ee dastuurkeedu u oggol yahay.

4.Ugu dambayntii Dowladda Puntland iyo Xildhibaanadu waxay isla qaateen in Heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho ee Maamul u samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ahaa mid xadgudub ku ah Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Federaalka ee kumeel-gaark ah, islamarkaasina horseedi kara xassilooni darro iyo colaad sokeeye.


HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA OO ORIGINAL AH




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada