Daawo Sawirada:- Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo manta Xukuno dil iyo Xabsi daa’in ah ku riday rag Shabaab katirsanaa

Daawo Sawirada:- Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo manta Xukuno dil iyo Xabsi daa’in ah ku riday rag Shabaab katirsanaa

daajis.com:-Maxkamada ciidanka qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa’in waxa ay ku riday rag la sheegay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayna dileen askari katirsan Ciidanka Dowlada.

Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay eedeysanayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa lagu hasytay dil ay u geysteen askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo maxbuus ahaan ugu jiray xabsiga dhexe.

Waxaa Maanta Maxkamada Ciidanka Qalabka sida la horgeeyay 13-eedeesane oo loo heesto in ay ay dileen qaarkoodna ay fududeeyeen dil gudaha xabsiga dhaxe loogu geestay Marxuum la oran jiray C/casiis Muxudiin Hiraabe oo ka tirsanaa ciidanka xoogga Soomaaliya kana mid ahaa Maxaabiista xabsigaasi ku xirneed.

Afhayeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida Kornayl Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa sheegay in 7-kamid ah ragaan eedeesanayaasha ah in lagu helay dambiga dilka ah isla markaana ay maxkamdu ku riday xukun dil ah halka inta kale ee soo hartayna lagu xukumay xabsi daa’in.

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe kordhisay xukunada deg deg ah ay ku rideeso dhalinyarada lagu helo in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada