Somaliland:- oo ogolaatay in Hargeysa laga furo xafiiskii ay horay u diiday ee Qaramada Midoobay

Somaliland:- oo ogolaatay in Hargeysa laga furo xafiiskii ay horay u diiday ee Qaramada Midoobay

daajis.com:-Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas Kay oo maalmahan booqasho ku jooga xarunta maamulka Somaliland ee Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan magaalada Hargeysa laga furi doono xafiis hoos taga isaga oo horay u diiday xukuumadda Somaliland.

Nikolas Kay ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib ay isla garteen xukuumadda Somaliland in la furo xafiiskaasi oo uu sheegay in Somaliland wax badan ku weysay diidamadii ay diideen kal hore.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa dhankiisa sheegay in ay soo dhaweynayaan in xafiiskaasi laga furo magaalada Hargeysa islamrkaana ay diyaar u yihiin in ay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin Qaramada Midoobay.

Somaliland ayaa sanad ka hor diiday in xafiis hoostaga wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya Nikolas Kay laga furo magaalada Hargeysa, iyagoona markaasi sheegayin ay ka madaxbanaan yihiin siyaasadda Soomaaliya islamarkaana ay ka goeen.

Xafiisyada hoos taga wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nikolas Kay ee iminka shaqeeya ayaa ku kala yaala magaalooyinka Muqdisho, Kismayo iyo Garoowe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada