DAAWO SAWIRRADA:- Howl galkii manta laga fuliyay Suuqa Bakaraha

DAAWO SAWIRRADA:- Howl galkii manta laga fuliyay Suuqa Bakaraha

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaas uu ka dhacay howlgal balaaran oo ay sameenayeen ciidamada DF Somalia.

Howlgalkan oo goordhaw soo gabagaboobmay ayaa waxa lagu soo qabtay ku dhawaad 45-qofood uu ka mid ahaa ruux la sheegay in uu watay bistoolad kaas oo baaritaan hadda uu ku socdo.

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo Saxaafada kula hadlay suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in dhammaan dadkaan lasoo qabtay ay yihiin kuwa laga shakiyay isla markaana lagu wareejiyay laamaha danbi barista.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ruuxii danbi lagu waayo lasoo deyn doono isla markaana kuwa kale loo gudbin doono Maxkamada si danbigooda loogu qaado.

Ma ahan markii ugu horeysay uu howlgal nuucaan oo kale ah ka dhaco suuqa Bakaraaha oo ah meel aad u ganacsi badan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada