Ururka iskaashiga Islaamka oo ka digtay in Somaliya ka dhacdo Abaarti 2011 oo kale

Ururka iskaashiga Islaamka oo ka digtay in Somaliya ka dhacdo Abaarti 2011 oo kale

daajis.com:-Ururka iskaashiga Islaamka (OIC),ayaa ka digay in mar kale Soomaala dib ugu soo laabato abaartii ku dhifatay 2011-kii,taasi oo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan. 


Waxayna beesha caalamka iyo dalalka kale ee daneeya arimaha Soomaaliya ugu baaqeen in loo gurmado Soomaaliya oo mar kale cagaha la galeysa meeshii ay ka soo gudubtay 2011-kii,markaasi oo abaartii ugu xooganeyd ay ku dhifatay.

“Ururka Iskaahiga Islaamka wuxuu ugu baaqayaa dalalka saaxiibada,iyo Hay’adaha Caalamiga ee gargaarka bixiya in si deg deg ah Soomaaliya looga taageero xaalada adag ee ku jirto,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururkaasi.

Meelo badan oo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa haatan laga dareemayaa abaaro sababtay biyo la’aan baahsan,iyadoo dadka qaarkii ay bilaabeen inay ka barakacaan deegaanadooda si noloshooda u badbaadiyaan.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u gargaari lahayd dadka dhibaateysan.

Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa in abaarta jirta darteed dad ugu geeriyoodeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada