VIDEO:- Ciidamada Daacish oo Gowracay Askari Kurdish ah iyo hanjabaad ay markale Mareykanka u direen

VIDEO:- Ciidamada Daacish oo Gowracay Askari Kurdish ah iyo hanjabaad ay markale Mareykanka u direen

daajis.com:-Ciidamada ISIS ayaa weli sii wadaan howlgallada ay kula dagaalmayaan ciidamada Siiriya iyo ciraaq ee taageera Mareykanka, iyagoona soo bandhigay askari Kurdish ah oo ay gowraceen iyo maxaabiis Syrian ah .

Muuqaalkaan cusub ee askariga ay Gowraceen Ururka Islaamiga ah ee ISIS ayaa waxa ay digniin mar labaad ah ugu direen Mareykanka oo ay ugu hanjabeen inay laayndoonaan dadka mareykanka iyo kuwa taageera.

Askariga haatan ay gowraceen ayaa waxa ay ku gowraceen meen wadada hareeraheeda oo aan sidaa uga fogeyn masaajidka weyn ee magaalada Mossel.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Ka hor inta aysan Gowracin waa ay siiyeen fursad uu fariin ugu dirsan kara waalidiintiisa iyo ehelkiisa.

Digniinti u horreeyay ayay ahayd todobaad ka hor marki ay soo bandhigeen wariye Mareykan ah oo ay gowraceen, kaasoo lagu magacaabi jiray James Foley.

Dhinaca kale Ururka ayaa Dagaalki ugu weynaa ee maalmahaan waxa ay ku qaadeen garoonka ugu weyn Siiriya ee loogu magaca daray garoonka Geerida, halkaasoo diyaaradaha dowladda Siiriya ay ka qaadi jireen sun islamarkaana dusha sare kaga shubayay ciidamada mucaaradka ee taabacsan Ururuka Islaamiga ah ee ISIS.

Daacish ayaana gacanta ku dhigay garoonka, iyadoo la sheegay in lagu dilay garoonka ilaa 600 oo askari, xilli ay garoonka ka bar-bar dagaalamayeen ilaa 1500 oo askari oo taabacsan dowladda dagaalka lagula jiro ee Syria.

amada ISIS ayaa weli sii wadaan howlgallada ay kula dagaalmayaan ciidamada Siiriya iyo ciraaq ee taageera Mareykanka, iyagoona soo bandhigay askari Kurdish ah oo ay gowraceen iyo maxaabiis Syrian ah .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada