War Deg-Deg ah:- Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay Buulo-mareer

War Deg-Deg ah:- Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay Buulo-mareer

daajis.com:-Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa goordhow la wareegay degmada Buul-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose oo qiyaas dhan 80-km u jirta magaalada Baraawe oo xarun u ah Shabaab.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in iska horimaad aan aad u badneyn kadib u suuragashay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM in ay gacantooda soo gasho Buul-mareer.

Sidoo kale barakac baahsan ayaa laga soo sheegayaa inuu ka bilowday degmada istaraatiijiga ah ee Baraawe, halkaasi oo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin.

Dad u badan Haween, Caruur iyo Waayeel ayaa isaga baxay magaalooyinka Baraawe iyo Buulo-mareer iyagoo ka cabsi qaba in dhibaato kasoo gaarto dagaalada isaga horimaanayaan dhinacyada isku haaya.


Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay bilaabeen saakay howlgalka loogu magac daray Badweynta Hindiya, kaasoo ujeedadoodiisa tahay in Al-Shabaab looga saaro guud ahaan gobolada dalka.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wato Baraawe, waxaana ku qulqulaya gurmadyo xoogan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada