War Deg Deg Ah:- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia oo Goordhaw lagu dilay Muqdisho

War Deg Deg Ah:- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia oo Goordhaw lagu dilay Muqdisho

daajis.com:-Mudane kale oo ka tirsanaa baarlamanka Somalia ayaa maanta lagu diley magaalada Muqdisho.

Sheikh Adan Mohamed Madeer oo ahaa guddoomiyihii guddiga maaliyadda ee baarlamanka ayaa waxaa koox hubeysan ay ku toogteen degmada Xamar Weyne , mar uu ka soo baxay masjidka Marwaas oo uu salaadda Jimcaha ku tukadey.
Waxaa uu noqonayaa xildhibaankii labaad ee muddo laba toddobaad gudohood lagu dilo magaalada.
Bishii hore 23-keeda ayaa koox hubeysan waxay Muqdisho ku dileen Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ahayd fanaanad caan ah.
Dilka siyaasiyiinta Somalia ayaa beryahan sare u kacay, siib
a dilka xildhibaanada, iyadoo ururka Al Shabab uu horey wacad ugu marey inuu ugaarsan doono dhammaan dadka la shaqeeya Dowladda Federalka Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada