Daawo Sawirada:- Ciidamo katirsan Milatariga Somalia oo la baray Qaabka loogu dagaalamo Magaalooyinka Dhaxdooda

Daawo Sawirada:- Ciidamo katirsan Milatariga Somalia oo la baray Qaabka loogu dagaalamo Magaalooyinka Dhaxdooda

daajis.com:-Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday Munaasabad tababar loogu soo xirayay Ciidamo gaaraya 250 askari oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaa oo la siinayay tababar dheeraad ah

Munaasabada Tababarka loogu soo xirayay waxaa ka qeyb-galay saraakiil sare oo ka socotay Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Saraakiil matalayay Midowga Yurub, Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM.

Tababarka oo muddo 5 todobaad socday ayaa waxa lagu baranayay dagaalada magaalooyinka dhexdooda ah, ilaalinta xuquuqul insaanka, kaasi oo ay bixinayeen Macalimiin isugu jirta Soomaali iyo kuwo ka socda ururka Midowga Yurub gaar ahaan hogaanka qeybta tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Ugu horeyntii munaasabadda ayaa waxaa lagu bilaabay heesta Astaanka Calanka Soomaaliyeed, waxaana intaa ka dib shahaadooyin la gudoonsiiyay askartii tababarka dhameysatay taasi oo muujinaysa in askariga wata shahaadadaasi uu qaatay tababar la xiriira xirfada gaar ahaaneed oo Koorsadaan ah.

Brigadier Janaraal MASSIMO MINGIARDI oo ah madaxa hogaanka Tababarada Midowga Yurub ee Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in tababarada noocaan oo kale ah ay uga gonleeyihiin in sare loo qaado xirfada iyo aqoonta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka hogaan ahaan uu balan qaaday in ay sii wadayaan dar dar galinta tababaradani.

Gabagebadii munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Abaanduulaha Hogaanka Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen C/qaadir Macalin Nuur, isagoo sheegay in dhawaan la soo gabagabeeyay saxitaanka darajooyinka saraakiisha ciidanka xoogga islamarkaana inta kale ee dhimana la dhameystiri doono, waxaana askartani maanta tababarka loo soo xiray uu ku adkeeyay in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka.

Tababaradani ayaa waxa ay kor u qaadi doonaan xirfada tababar ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed taasi oo qeyb ka ah dadaalada dib u soo celinta heybadii iyo sharafta ciidanka Xooga dalka Soomaaliya uu lahaan jiray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada