M/weynaha & gudoomiyaha Baarlamaanka oo cambaareeyay dilka loo geystay Xildhibaan Madeer

M/weynaha & gudoomiyaha Baarlamaanka oo cambaareeyay dilka loo geystay Xildhibaan Madeer

daajis.com:-Madaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyay dilkii maanta magaaladda Muqdisho Loogu Geystay Marxuum Sheekh Aadan Maxamed Madeer oo ka mid ahaa Xlidhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladda , qaraabada, Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed geerida Allaah ha u naxariisee Marxuum Shiikh Aadan Maxamed Madeer. Allaha  u naxariisto Jannadii Fardowsana Allaah ha ka waraabiyo Marxuum Sheekh Aaden Maxamed Madeer samirr iyo iimaan Alaah ha siiyo ehaladda iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

“ Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed, , Waxaa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Gudoomiyaha Guddiga Maalliyadda ,Miisaaniyadda iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo kooxo dhagarqabeyaal ah ay dil ugu geysteen magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Allaha u naxariistee walaalkeen Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer,si gaar ah waxaan ugu tacsiyadeeynayaa carruurtiisa,qoyskiisa iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed”

“Sheekh Aadan Madeer waxaa la dilay xili uu soo gutay waajibkii uu Alle saaray, isaga oo kasoo baxay salaadii Jimcaha masjid uu kusoo tukaday,waxaa dishay gacan ka xaq daran,kuwii dilay ayagaa dhib qaba aduun iyo aakhiraba,cawaaqibka ka dhalan kara inaad disho qof muslim ah oo Alle cibaadadiisa u taagan waan wada ognahay,Alle ayaa mudankooda marsiin doona insha Allah, Hay’adaha ammaankana waxaa waajib ku ah iney cadaalladda hor keenaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi foosha xun”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey marxuum Sheekh Aadan Madeer inuu naxariistiisa jano siiyo,carruurtiisa,qoyskiisa,ehellada iyo guud ahaanba Umadda Soomaaliyeed uu samir iyo iimaan ka siiyo.


DHAMMAAD:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada