War Deg-Deg:- Gaari ku dhex Qaraxy Garaash ku yaalo xaafadda Baar Ubax

War Deg-Deg:- Gaari ku dhex Qaraxy Garaash ku yaalo xaafadda Baar Ubax

daajis.com:-Wararka hadda ina soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Garaash ku yaala Xaafada Baar Ubax, gaar ahaan inta udhaxeysa Sarta Ex-Daalo iyo Hoteelka Salaama ee Nawaaxiga Baar Ubax  in gaari halkaasi dhexyaalay oo nooca yar yar uu qarxay.

Gaarigaan oo aan la ogeyn qaraxa in horay loogu soo xiray iyo in Garaashka lagula xirayay, wararka waxa ay sheegayaan in baabuurkaan oo garaashka dhex-yaalay marqura uu qarxay.
Qaraxa gaariga ayaa wuxuu sababay dab, dabkaasi oo saameeyay gaadiidkii kale ee goobta yaalay, waxaana dabka uu sidoo kale saameyn ku yeeshay Shidaal dhex-yaalay Garaashka dhexdiisa.
Intaasi kadib ayaa goobta waxaa isqabsaday qiiq iyo uuro, waxaana socda gurmadka ku aadan baqtiinta dabka ka dhashay gaariga ku dhex-qarxay garaashka ku yaalo Xaafada Baar ubax ee Degmada Howlwadaag.
Xaalada ayaa aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhankooda qeyb ka qaadanaya daminta dabkaasi.

Ilaa hada lama oga khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay gaariga qarxay iyo dabka Garaashka ka kacay.
Garaashkan waa garaashkii sadexaad oo waxyaabo sidaan oo kale ah ay ka qarxaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada