Taliyaha Amisom Dick Olum oo u goodiyay Dadka Qoryaha haysta

Taliyaha Amisom Dick Olum oo u goodiyay Dadka Qoryaha haysta

daajis.com:-Taliyaha Ciidamada Amisom ee Gobalka Banaadir iyo Shabeelooyinka Gen. Dick Olum ayaa Warbaahinta ugu sheegay Magaalada Muqdisho in ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ay yihiin awooda koowaad ee dalka Soomaaliya, sidaasi awgeedna cidii ka hortimaada awaamiirta Amisom inay yihiin cadoowga ay leeyihiin.

Wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya ay u joogaan fulinta awaamiirta Dowladda Federaalka Soomaaliya, howlgalka hub ka dhigista ee Magaalada Muqdisho ka socdana uu yahay mid socon doono ilaa ammaanka Magaalada Muqdisho laga xasiliyo.
 
Doorka Amisom ayuu ku tilmaamay inay tahay nabadeynta dalka Soomaaliya, qorshaha hub ka dhigistana ay wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa ujeedka Dowladda ay ka leedahay arintana aan la joojin doonin.
 
Gen. Dick Olum ayaa sheegay in awooda koowaad ee dalka ay yihiin ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, sidoo kalena ay ku xigaan ciidamada Milateriga, Nabadsugida iyo ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
 
Amisom ayaa sidoo kale ku goodisay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid waliba oo kasoo horjeesata xasilinta ammaanka Magaalada Muqdisho iyo dadaalada nabadeed ee Dowladda Soomaaliya Muqdisho ay ka wado.
 
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Ciidamada Amisom ee jooga Muqdisho in ay ka caawiyaan nabadaynta iyo xasilinta Caasimadda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada