Xog: Muqdisho oo urur diimeed cusub uu ku xoogeysanayo & dad ku biiraya

Xog: Muqdisho oo urur diimeed cusub uu ku xoogeysanayo & dad ku biiraya

daajis.com:-Waxaa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku xeen-daaban laga sheegayaa inay kusoo badanayaan Urur diimeedka loo yaqaan ‘’Takfiirka’’

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa rag taabacsan Takfiirka oo iyagu faafinaaya Fakirkooda, waxaana la Tilmaamayaa inay Muqdisho ku dhex leeyihiin Goobo ay ku cibaadeystaan.

Ururka Takfiir ee kusoo badanaaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la sheegayaa inay ku jiraan rag iyo dumar badan, halka ay xusul duub adag ugu jiraan sidii ay ugu biiri lahaayen Dhalinyarada oo aan iyagu qeyb ka aheyn Ururka, ayaga oo lacag ku farqaya.

Dhanka kale, waxan si dhab ah loo Ogeyn halka ay ku lee yihiin xarunta Ugu weyn, wallow dadka qaar ay sheegayaan inay aad ugu badan yihiin Gobolka Gede iyo magaalada Garoowe, halkaasina ay ka soo baxaan.

Horey ayaa dad badan ay u aaminsanaayeen in kooxdan takfiirka ay isku aragti dhow yihiin kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee lama yaqaan halka ay kooxdan ka hesho dhaqaalaha


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada