Al Shabaab oo shaaciyay in Ragga lagu qab qabtay Magaalada Kampala aysan ka tirsaneyn Ururkooda

Al Shabaab oo shaaciyay in Ragga lagu qab qabtay Magaalada Kampala aysan ka tirsaneyn Ururkooda

daajis.com:-Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wuxuu si xoogan u beeniyay in xoogag ka tirsan Shabaabka lagu qab qabtay Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda.


Afhayeenka, ayaa wax dacaayad ah ku tilmaamay wararka la xiriira inay Uganda qabatay xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, xilli ay qorsheynayeen inay weeraro ka fuliyaan Magaalada Kampala.


"Maalmahan waxaan warbaahinta ka maqlaynay warar dacaayaad ah oo ay faafinaysay dowladda Nasaarada Uganda oo ku aadanaa in ay fashilisay weerar ay mujaahidiintu qorsheeyeen oo gudaha Uganda ka dhici lahaa, wararkaasi waa been aan raad lahayn haba yaraatee majiraan weerar ay mujaahidiintu qorsheeyeen oo Uganda fashilisay." ayuu yiri Sheekh Cali Maxamuud Raage.

Sheekh Cali Dheere, ayaa warkaan ku macneeyay mid lagu qarinaayo khasaaraha Ciidamada Uganda ka soo gaaraaya, dagaalka ay kula jiraan xoogaga Ururka Al Shabaab.


"Museveni markii ciidankiisu ku jabeen duullaanka Soomaaliya oo shacabka soomaaliyeed ogaadeen damban daabyadooda ayay bilaabeen in ay dadkooda ku mashquuliyaan dacaayad aan jirin oo ah in ay fashiliyeen weerar mujaahidiintu qaadi rabeen, haddii mujaahidiintu qorsheeyaan weerar way fulinayaan Insha'Allah suurtagalna ma ahan in hay'adahooda ammaanka ay ka hortagaan camaliyaadka mujaahidiinta." ayuu yiri Cali Maxamuud Raage.

Wuxuu kaloo yiri "Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in cadawgu uu marmarsiiyo uraadsanayo boobka hantida shacabka iyagoo ku tiimbaraynaya Mujaahidiinta Al Shabaab ayaad katirsanyihiin,dadka ay booliska gaaladu ku qabteen magaalada Kampala kama tirsana mujaahidiinta waa dad ladoonayo in hantidooda labanaysto laguna duug duugo kufsigii iyo xadgudubyadii ciidanka gaalada Uganda ugeysteen haweenka muslimaadka soomaaliyeed." 

Cali Dheere wuxuu hadalkaan ku sheegay Bayaan ay soo saartay Al Shabaab, oo caawa laga baahiyay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Ururka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada