Daawo-Video:- Guddoonka Baarlamaanka oo maanta ku Kulmay Golaha Shacabka.

Daawo-Video:- Guddoonka Baarlamaanka oo maanta ku Kulmay Golaha Shacabka.

daajis.com:-Kulankaan maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka oo ay ka qeyb galeen talisyada booliska, nabad sugidda iyo AMISOM ayaa waxaa Shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka mudane Jeylaani Nuur Iikar , kaasi oo diiradda lagu saaray dar dargelinta baarlamaanka iyo dib u furis kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay guddiga amniga ee baarlamaanka, waxaana la isla meel dhigay qiimeyn ay mudanayaashu ku sameynayeen xarunta golaha shacabka oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Guddomiye ku-xigeenka guddiga amniga iyo arrimaha gudaha e Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka kulanka uu ahaa qiimeyn ay ku sameynayeen xarunta golaha shacabka, maadaama uu dhawaan hakad ku yimid waqtigii lagu balamay qabsoomidda kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka.

“Waxaan rajeynaynaa in beri shir kan la mid ah uu dhici doono oo lagu shaacin doono waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada