Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan oo kormeeray isbitaalka Digfeer oo Turkiga casriyeeyay

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan oo kormeeray isbitaalka Digfeer oo Turkiga casriyeeyay

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa maanta kormeer ku sameeyay Isbitaalka Digfeer oo dhawaan ay Dowladda Turkiga Dayactir casi ah ku sameysay, waxaana booqashada Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirada arrimaha gudaha iyo caafimaadka.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo wareegay qeybaha uu Isbitaalka  ka kooban yahay sida saalada qaliinka, loogu talo galay,  xarunta gargaarka deg dega, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka ah, iyo qeyba kale oo muhiim ah.

Xiligii uu Madaxweynaha booqanayay isbitaalka ayaa waxaa ku sugnaa dhaqaatiir iyo howlwadeeno caafimaad oo u dhashay Turkiga, kuwaasi oo warbixin ka siiyay, iyadoo uu kulan kula qaatay xarunta maamulka isbitaalka.xasan-digfeer-1

Agaasimaha isbibitaalka Dr.Ugar Jonkoglu oo u dhashay Turkiga ayaa Madaxweynaha ugu warbixiyay howlaha caafimaad ee ay wadaan iyo mustaqbalka qorshahooda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheeay in Isbitaalka dhawaan xariga laga jari doono isagoo u sheegay dhaqaatiirta Soomaliyeed inay ka faa’iideystaan aqoonta ay dhaqaatiirta Turkiga dalka ku soo kordhiyeen si ay bulshadooda wax ugu taraan.

Isbitaalka Digfeer ayaa markii Turkiga dib u dhis iyo dayactir uu ku sameeyay waxaa uu noqday kan ugu casrisan Afrika.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada