daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu ballaarinaayo howlaha uu
bulshadda u hayo garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana laga dhigo
mid la mid ah garoomada caalamka ku yaalla.
Wasiirka gaadidka iyo hawada xukuumadda Soomaaliya, Siciid Jaamac
Qorsheel ayaa warbaahinta u sheegay in uu socdo mashruuc la rabo in
garoonka la dhigo mid shaqeeya habeenkii halka uu hadda yahay garoon
shaqeeyo uun maalintii.
Wasiirka ayaa sheegay in garoonka oo hadda ay ka socdaan howllo dib u
casriyeen iyo in la ballaariyo oo mardhow lagu xiro doono Nalalka
garoonka si habeenkii ay diyaaradaha ugu soo daggi karaan.
Wasiir Qorsheel ayaa tilmaamay maadama AMISOM garoonka ay isticmaasho
isla markaana ay ka baahi badan tahay Soomaalida in lagu wargaliyay in
ay ka qeyb qaadato qorshaha la doonayo in uu garoonka shaqeeyo
habeenkii, wuxuuna tilmaamay in ay oggolaadeen in ay ka qeyb qaataan
mashruucaas.
Shirkad laga lee yahay dalka Turkiga ayaa hadda gacanta ku heysa
garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana ay ka wadaa
shirkadaas dhismooyin iyo dib u casriyeen si garoonka uu u noqdo mid
caalami ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay siddii uu
garoonka Muqdisho u noqon lahaa mid shaqeeya xilliga habeenkii ah.
Garoonka ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxa uu noqday mid ay
soo fadhiistaan diyaarado badan oo qaar ka yimid Yurub iyo Maraykanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:54 and have
, Published at