Baraawe: Afar dhalinyaro ah oo Al-Shabaab toogasho ku fulisay

Baraawe: Afar dhalinyaro ah oo Al-Shabaab toogasho ku fulisay

daajis.com:- Dhaq dhaqaaqa Ururka Al-Shabaab ee qeybta ka ah Al-qaacida , ayaa galabnimadii “29-09-2014″ xukun qisaas ah waxay ku fuliyeen afar nin oo dhalinyaro ahaa, oo ay ku eedeeen inay la shaqeynayeen Hay’addaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Boqolaal ka mid ah bulshada ku nool Degmada Baraawe ayaa isugu soo baxay si ay u daawadaan qisaasta Raggaasi, iyadoo cod baahiya loogu yeeray inay kasoo qeybgalayaan qisaasaastaasi.

Dhalinyarada xukunka qisaasta lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Iidle Maxamed Xasan oo 18 sano jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay PS-ta, Mahad Xasan Ciise oo 26 sano jir ahaa oo lagu eeedeeyay isna Hay’adda CRD, Xasan Xaaji Aawow oo 27 sano jir ahaaoo isna Alpha Group lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay iyo Axmed Maxamed Aadan oo ay ku sheegeen inuu la shaqeynayay ciidamada AMISOM..
dil-toogasho
Qaadiga Maxkamada Degmada Baraawe, ayaa ku dhawaaqay xukunka toogashada ee raggaan lagu fuliyay, kadib markii uu sheegay in Maxkamada ay ka hor qirteen in basaasiin ahaayeen.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, oo ka hadlay Fagaaraha Tabuuk, ayaa waxa uu raggaan ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo la saftay waxa uu ugu yeeray cadowga.

Gudoomiyaha waxa uu ku hanjabay in Al Shabaab ay sii wadi doonto dilalka ka dhanka ah ragga u adeegaaya waxa uu ugu yeeray cadowga, xilli uu sheegay inay fashilinayaan sirta Muslimiinta.


Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxay hakiyeen Hawlgalkii Badweynta Hindiya (Indian Ocean) ee lagu qaban lahaa Degmada Baraawe, oo Jimcihii dhagax loogu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Safiya Axmed Jimcaale.

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu Axadii balanqaaday inay Dowladdiisu soo gaba gabeen doonto dhulka ay Shabaabku ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada