Somalia oo dib ugu celisay Norway dhalinyaro ay soo masaafurisay

Somalia oo dib ugu celisay Norway dhalinyaro ay soo masaafurisay

daajis.com:- Dowladda Somalia, ayaa waxay Isniintii Shaley aheyd dib dalka Norway ugu celisay muwaadiniinta Soomaaliyeed, oo Dowladda Norway ay si khasab leh ugu soo celisay Magaalada Muqdisho.

Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Somaliya, ayaa waxay ka dhiidhisay sida khasabka leh ee dalkaasi loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho, iyadoona go’aansatay inay dib ugu celiso Norway.

Taliyaha Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Somaliya General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa wuxuu sharci daro ku tilmaamay in dad si khasab leh loogu celiyo dal aysan doonayn, taasina ay tahay waxa ay dib ugu celiyeen Norway.

Mogadishu-airportTaliyaha, ayaa ku waramaaya in Dowladda Norway ay dhawaan xiriir la soo sameysay, ayna u sheegtay in muwaadiniin Somaliyeed ay si khasab leh dib ugu soo celineyso Magaalada Muqdisho, laakiin ay ka diideen, sida uu yiri.


Jeneral C/laahi Gaafow Maxamuud oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa wuxuu xaqiijiyay in diyaaradii dadkaan lagu keenay Magaalada Muqdisho, ay dib ugu celiyeen inay geyso dalka Norway.

General Gaafow, ayaa difaacay go’aanka deg degga ah ay maanta qaateen, wuxuuna ku sheegay mid sax ah, oo ay ku xoojinayaan inaan la khasbi karin dadka qaxootiga ah.

Waa markii ugu horeysay oo Dowladda Norway ay si khasab leh Magaalada Muqdisho ugu celiso dad Soomaali ah, oo ay u diiday in magangelyo ay siiso, xilli ay dalkeeda ku taggeen qaab qaxooti ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada